Shirwaynaha Ururka Qareennada DDS
- Post by: haashim cabdi
- June 4, 2024
- No Comment


Shirwaynaha Ururka Qareennada DDS ayaa ka furmay magaalada Jigjiga.
Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen qareennada DDS masuuliyinta Xafiiska Caddaalada iyo kuxigeenka Xafiiska Madaxwaynaha mudane Maxamed Yusuf Rooble ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii wax ka baddal loogu samayn lahaa hay’adaha caddaalada loona samayn lahaa urur qareeno oo dhisan iyo in loo sameeyo maamul iyo xeer hosaad si loo helo urur qareeno tayo leh oo Deegaanku leeyahay.
Wasiir kuxigeenka Xafiiska Caddaalada mudane Maxamed Daahir oo kulankan furay ayaa kula dar daarmay qareenadan inay ka faa’iidaystaan intuu socda kulankani.
Xafiiska Cadaalada DD
Categories: Wajiga Hore Xafiiska Cadaalada ee DDS