Dawladda Degaanka Somalida Xafiiska Cadaaladda

Warbixintii waxqabadka Rubuca koobaad ee sanad miisaaniyadeedka 2015

Warbixintii waxqabadka Rubuca koobaad ee sanad miisaaniyadeedka 2015

  1. Hordhac

Sida la wada ogsoon yahay Degaankeenu waxa uu dejiyey Himillooyin iyo Qorsheyaal muddada fog iyo kuwo muddada dhow ah, taas oo looga gol leeyahay si loo dardargeliyo horumar dhaqaale oo waara ee Degaankeena, islamarkaana hay’adaha kala duwan ee DDS si looga hirgeliyo nidaam dimoqraadiyadeed, maamul suubban, iyo Qorshe-Tubeed (Strategic Plan) oo ka turjumaya hufnaanta adeeg-bixinta loo fidinayo bulshadeena.

Haddaba, xafiiska Cadaaladda DDS, isaga oo ka duulaya qorshe tubeedka la dejiyay iyo waajibaadaadka ama doorka kaga aaddan hirgalinta ku dhaqanka sharciga, ilaalinta xuquuqaha aadamiga iyo kuwa dimuqraadiyadeed; Hirgelinta Nabadgelyada & Xasiloonida, ayaa waxa la diyaariyey warbixnta waxqabadaka Rubaca 1aad ee sanad miisaaniyadeedka 2014.

1.1 Himilada (Mision)

Iyadoo laga qayb qaadanayo sugida nabadgaliyada, xasiloonida iyo ilaalinta danaha dawlada iyo dadwaynaha korna loo qaadayo wacyiga fahanka sharci ee bulshada si loo ilaaliyo xuquuqaha aadamiga iyo kuwa dimoqraadiyadeed ee dastuuriga ah isla markaana sharciga la horgaynayo cid kasta oo ku kacda faldambiyeed, Lana fidinayoo caddaali ahayaan hormuud ka noqon haynaa hirgalinta saraynta sharciga iyo maamulka suuban.

1.2 Aragtida (Vision)

In la arko deegaanka soomaalida oo xuquuqaha aadamaha iyo kuwa dimoqraadiyadeed oo la ilaliyay, ku dhaqanka sharciga iyo cadaaladda oo la hirgaliyay.

1.3 Hab-Dhaqanka Shaqo (Core Values]

Waa mabaad’iida uu si rasmi ah xafiisku ugu dhaqmayo hawl maalmeedkiisa shaqo ay bulshaduna ka dheehan karto anshaxa shaqaalaha, waana sidan:-

  • Aamininsanaanta mudnaanta shacabka iyo ku dhaqanka sharciga( believe in supremacy of people & rule of law )
  • Sinaan iyo dareen ku dhisan u adeegida bulshada.( equality & sense of service giving)
  • Wakhti kooban iyo Kharsh yar.( appropriate resource utilization )
  • Masuuliyad iyo isla xisaabta dhab aha.( Responsibility and accountability)
  • Karti iyo anshax wanaagsan.( competence and good ethics)
  • Kamidho dhalin iyo adeeg natiijo ku salaysan.( beeing result oriented & service users)
  • Ka qayb galin iyo jawi shaqo oo cadcdaan leh ( participatory & transparent working conditions)
  • Aragti ku dhisan gudi ku shaqayn( culture of working in team sprit)
  • Tashiilida qarashka iyo hantida (
  • Isbadal doon ( Readyness for change)
  • Kor u qaadida aqoonta, waxbarashada iyo isbadalada adeegyada cadaaladeed oo midaysan( curiosity to acuire knowledge & sense of learning & tranformation)

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *