Wareejinta qoraal-qabyeedka xeer nidaameedyada anshaxa
- Post by: haashim cabdi
- June 7, 2024
- No Comment
Munaasibad lagu wareejinayo qoraal-qabyeedka xeer nidaameedyada anshaxa ee ay kudhaqmi lahaayeen 4 hay’adood oo hay’adaha caddalada ah kuwaasi oo kala ah: Xafiiska Caddaalada DDS, Maxakamada Guud, Booliska deegaanka iyo Booliska asluubta ayaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada DDS.
Munaasibaddan oo kaqabsoontay madasha kulamada ee Garaad Maxamed Dool ayaa waxaa kasoo kasooqaybgalay waziiru dawlaha wazaarada cadalada ee federalka ato balayhun yirga iyo mendeirt max wakilka safarada holland iyo dr hailesalise gabresilase iskuduwa free university of university iyo wasiir kuxigeenka xafiiska cadalada mudane maxamed dahir xashi iyo Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Madaxweynaha DDS, mudane Maxammed Yuusuf Rooble iyo masuuliyiinta hay’adaha caddaalada.
Xeerkan oo ah mid qabyo ah ayaa marka la dhamaystiro ee la ansixiyo dhaqan gali doona wuxuuna door weyn ka qaadan doonaa anshax-wanaaga iyo ku dhaqanka saraynta sharciga ee Hay’adaha Caddaalada DDS waxaana soo diyaariyay Wasaaradda Caddaalada Fadaraalka, Jaamacada Free University of Amsterdam iyo Safaarada Holland iyo hayadaha cadalada ee DDS.
Xafiiska Cadaalada DDS



